Maamulkii Jubbaland oo uu inuu dumo qarka usaaran, Wasiiro iyo xildhibanadii Jubbaland oo Faaruqeyey Kismaayo

dolwo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kaga dhawaaqay dhawaan in xarunta ku meelgaarka ah ee Jubbaland Kismaayo shir uu ku casumay Maamul goboleedyada si ay uga wada hadlaanqilaafka udhaxeeya dowlad Goboleedyada iyo dowlada Soomaliya, Qaar kamida Wasiirada iyo xildhibaanada Jubbalan ayaa ka horyimid Casumaada loo fidiyey Maamul goboleedyada.

Wasiirad iyo Xildhibaanno ka tirsan Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa Maanta ka horyimid Go,aankii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ee ahaa in Magaalada Kismaayo uu ka furmayo Shir u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Gobolleedyada Dalka.

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan iyo Xildhibaanno ka badan 10 ayaa soo gaaray Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo kadib markii Madaxwaynaha Jubbaland ku gacan seeray taladii ay soo jeediyeen oo ahayd inuusan Wasiirada iyo Xildhibaanada Jubbaland kala tashan shirkaa uu ku casumay Maamul goboleedyada ayakoo ugu baaqay in shirkaan dib loo dhigo madaama uusan hada munaasub ahayn.

Arintaan ayaa caqabad adag ku noqonaysa Madaxwayanaha jubbaland oo horey u waayey taageeradii Xildhibanada iyo shacabka Jubbaland ayadoo qaar kamida Xildhibannada Jubbaland u baxsadeen Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.