Madaxweynaha Soomaaliya oo si Kulul uga hadlay Weerarkii Las Vegas

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu cambaareeyay Weerarkii Shalay ka dhacay Magaalada Las Vegas ee Dalka Mareykanka ee Sababay Dhimashada Dadka ka badan 58 Ruux iyo Dhaawaca 400 oo kale islamarkaana uu geystay Nin ka mida dadka Magaalada Las Vegas oo 64 Sano jir ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa yiri”anoo ku hadlaya Magaceyga iyo Magaca Ummadda Soomaaliyeed waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoysaska Dhibaneyaasha ah ee Dhibaatadu ay ka soo gaartay Weerarkii Argagaxiso ee ka dhacay Magaalada Las Vegas Ee Dalka Mareykanka”.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay la wadaagayaan Xanuunka soo gaaray  Qoysaska iyo Saaxiibada ku wax noqday Weerarkii Fulay nimada ahaa ee lagu qaaday dadkii ku sugnaa Hotel ku yaala Magaalada Las Vagas ee dalka Mareykanka”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Weerarka lagu dilay dadka ka badan 50 Qof ku Tilmaamay Fal Sheydaanimo,waxaana uu sheegay in hoos loo dhigi doono Calanka Mareykanka si loo Muujiyo in Dadkii ay waxyeeladu gaartay la garab istaago

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.