Maamulka Jubbaland oo sheegay in ay baarayaan Duqeyn Diyaaradaha kenya ay ka fuliyeen Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan  Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in dowladda iyo Maamulka Jubbaland ay baaritaan ku sameyn doonaan  duqeyn ka dhacday Deegaanka tarako ee Gobalka gedo, islamarkaana magdhaw la siinayo dadkii ku waxyeeloobay duqeynta.

“Maamulka Jubbaland Waxaa ay aad ugu xun yihiin dhibaatada loo geystay dadka shacabka ah ee lagu laayay degaanka Tarako ee Gobolka Gedo” Sidaasi Waxaa sheegay madaxweyne ku xigeenka maxamud Sayid.

Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Kenya iyo Kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa Todobaadkii la Soo Dhaafay weerar ay ku qaadeen Deegaanka Tarako ee Gobalka Gedo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.