maxaa saaka ka cusub magaalada cadaado ee x/kmg ee maamulka galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in wali uu taagan yahay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda maamulka Galmudug.

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug Xildhibaanada Galmudug ayaa lagu waddaa in ay maanta Kulmaan ,iyadoona uu horyaalla Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Kulamo u dhaxeeyay Xildhibaanada Galmudug ayaa ka socday xalay ilaa saakay Magaalada Cadaado.
Magaalada ayaa waxaa soo galay Maleeshiyaad aad u badan oo qaarkood aysan ka amar qaadan maamulka Galmudug oo ay wataan Siyaasiyiin.

 

Senator Cabdi Qeybdiid iyo qaar ka mid ah Odayaasha degaanka ayaa ku guuleystay in dhammaan ciidamadii ka yimid Gaalkacyo ay ka saaraan Magaalada Cadaado, arintaas oo hoos u dhigtay xiisadda, ciidamadan oo markii horey gurmad ugu yimid labada garab ee isku haya siyaasadda Galmudug.

 

Xaalada Magaaladda ayaa Saakay degan, waxaana lagu waddaa in uu dib u shaqo bilaabo garoonka Magaalada Cadaado.

                                wixii war ah oo ka soo kordha halkaan nagala socda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.