Reysulwasaaraha soomaaliya iyo taliyaha ciidaanka turkiga ulus akar oo siwada jira xadhiga uga jarayo saldhiga Milateri ee dawlada turkiga muqdisho ka dhistay.

Reysulwasaraha soomaaliya mudane xasan cali kheyre ayaa maanta  xarigga ka jari doona Saldhigga Milateri ee Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya.

Xasan cali kheyre iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Turkiga Gen. ulus Akar oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa si wadajir ah ay u furi doona saldhigga milateri ee uu Turkiga ku tababari doono Ciidamada Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka Saldhigga ayaa waxaa lagu casuumay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, Saraakiil ka socda AMISOM, Midowga Yurub iyo NATO.

Saldhiggan ayaa noqon doona kii u horeeyay ee Turkiga ka dhisto Afrika, waxaana dhismaha saldhiggan ku baxay malaayiin dollar.

Waxaa lagu wadaa in lagu xareeyo ciidamo gaaraya illaa 1,500 askari, halkaasoo lagu tababari doono, saraakiil ka socota Turkiga ayaa ka qeyb qaadan doona tababarka Ciidamada oo noqon doona markii u horeysay ee uu Turkiga gudaha Soomaaliya ku tababaro ciidamo.

Saldhiggan oo ku yaalla wadada aada deegaanka Jaziira ayaa magaalada Muqdisho u jira illaa 3KM, waxaana uu yahay saldhig loo dhameystiray dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa, sida goobaha lagu tababaro askarta, guryaha saraakiisha iyo askarta, xafiisyo, garoon lagu ciyaaro iyo goobo kale.

Ammaanka wadada aada Jaziira iyo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa saaka aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyinka, halkaasoo la dhigay ciidamo milateri ah.

halkan hose ka daaawo sawirada

  

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.