Gobolka Gedo Ma Jubaland Ayaa Kusoo Duushey Mise Wadamo Shi-Sheeye . W/Q Wariye Maxamed Qaasim Caliwaxar

kaasim

Gobolka Gedo Waa Mid Ka Mid Ah Sadexda Gobol Ee Maamul-Goboleedka Jubaland Uuna Ku Dhisan Yahay MaamulKa Jubaland

Maadaama Dastuurka Dowladda Federalka Ee Soomaaliya Uu Qeexaayo In Labadii Gobol Iyo Wixii Ka Badanba Ay Noqon Karaan Maamul-Goboleed Qeyb Ka Noqdo Maamulada Ka Jira Dalka
Ayaa Waxaa Uu Gobolkaasi Noqdey Gobolka Labaad Ee Sababta U Ahaa In Uu Dhisno Maamulka Jubaland Maadaama Gobolka Jubada Dhexe Oo Ah Gobolka Sadexaad Ee Jubaland Ay Gacanta Ku Hayaan Ururka Alshabaab
Hayeeshee Su’aasha Is-Weydiinta Mudan Ayaa Waxaa Ay Noqoneysaa Gobolka Gedo Ma Jubaland Ayaa Kusoo Duushey Mise Wadamo Shi-Sheeye

Su’aashaasi Waxaa Keentey Ama Sababey In La Is-Weydiiyo Ayaa Waxaa Ay Tahay In Gobolkaasi Gedo Ay Maalin Kasta Weeraraan Diyaaradaha Dalka Kenya Iyo Kuwo Kale Oo Aanan La Ogeyn Dalka Laga Leeyahay Kuwaas Oo Weerarka Ay Gobolka Ku Hayaan Uu U Fasaxay Maamulka Jubaland Taasina Waxaa Marqaati Ka Ah Aamusnaanta Uu Ka Aamusan Yahay Weerarada Ay Sameynayaan Diyaaradahaasi Xasuuqa Xoogan U Geystey Dadka Xoolo Dhaqatada Ah Iyo Xoolahooda Ee Ku Nool Gobolka Gedo Oo Bilihii Ugu Dambeeyey Ay U Geeriyoodeen Tiro Dad Ah Oo Isugu Jirey Caruur Waayeel Dhalinyaro Iyo Kumanaan Xoolo Ah Oo Isugu Jira Sadexda Duunyo Ee Ay Soomaalidu Dhaqato .

Qaar Ka mid Ah Isbitaalada Ku Yaalo Degmooyinka Gobolka Gedo Ayaa Waxaa Xiligaan Jiifo Dhaawacyo La Il-daran Duqeymihii Ay U Geysteen Diyaaradaha Dalka Kenya Iyo Kuwo Kale Oo Aan La Ogeyn Dalka Laga Leeyahay Kuwaas Oo Ku Mar-Marsiyoonaayo In Ay Duqeynayaan Ciidamada Ururka Alshabab Balse Sida Hataan Muuqaneyso Ay U Jeedadoodu Tahay Xasuuqidda Maatada Aan Waxbo Galabsan Iyo Xoolahooda .

Laakiinse Nasiib Darada Iyo Murugada Oogu Daran Ayaa Waxaa Ay Noqoneysaa Aawey Madaxdii Iyo Masuuliyiintii Mataleysey Shacabka Gobolka Gedo Hadii Ay Ahaan Lahaayeen Kuwa Maamulka Jubaland Oo Uu Gobolkaasi Ka Tirsan Yahay Iyo Sidoo Kale Kuwa Dowladda Federalka Ee Soomaaliya Waxaana Muuqaneys In Ay Raali Ka Yihiin Dhibaatada Haysataa Dadka Iyo Duunyada Gobolkaasi Maadaama Ay Muuqaneyso In Ay In Dhaha Ka Xirteen Dhibaatada Haatan Ka taagan Gobolkaasi .

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islam Oo Ah Shaqsiga Ugu Sareeya Ee Ay Saaran Tahay Masuuliyadda Gobolkaasi Dhawaanna Booqasho Ku Tagey Gobolka Gedo Ayaanan Ilaa Iyo Xiligaan Ka Hadlin Xasuuqa Ay Diyaaradaha Kenya U Geysteen Shacabka Ku Nool Gobolka Gedo .

Aawey Madaxdii Iyo Xildhibaanadii Matalaayey Gobolka Gedo ( 14 Xildhibaan Oo Federaalka Ah Iyo 19 Xildhibaan Oo Ah Kuwa Jubaland Oo Dhamaan Matalaayey Dadka Dago Gobolka Gedo Waa In La La Xisaabtamaa Maadaama Ay Shaqadoodii Iyo U Qareemidda Dadkoodii Ay Gabeen.

W/Q Wariye Maxamed Qaasim Caliwaxar

2:09pm

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.