Shabaab oo soo bandhigay Askar ay sheegeen in ay ka soo goosteen Jubbaland (SAWIRRO)

Ururka Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ku soo bandhigeen Askar ay sheegeen inay ka soo goosteen Maamulka Jubbaland.

Askarta ay soo bandhigeen Shabaab, ayaa waxaa sawirro laga soo qaaday ka muuqday iyaga oo wata Hub iyo Dareeska Ciidanka, waxaana Shabaab ay sheegeen inay garawsadeen ka soo bixista Maamulka Jubbaland iyo inay ku biiraan Shabaab.

Askarta la soo bandhigay, ayaa tiradooda waxa ay gaareysa illaa Saddex askari, kuwaasi oo Shabaabka ay sidoo kale soo bandhigeen magacyadooda.

1-Aadam Cabdi Ibraahim Isaaq.

2-Abuukar Xuseen Ibraahim

3-Aadam Cali Maadey.

Qaar ka tirsan Askarta oo la hadlay warbaahinta Shabaabka ayaa waxa ay sheegeen sababaha ugu wayn ee Jubbaland ay uga soo goosteen inay tahay dhibaatooyin kala duwan oo ay gaystaan iyo inay fahmeen waxa ay ku jireen inay qalad ahey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.