Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta ku wajahan degmada Jalalaqsi

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan oo ka mid ah degmooyinka Al-Shabaab ay Go’doomiyeen.

Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan wafdiga Madaxweynaha ayaa Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay in Madaxweynaha uu maanta tagayo Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan Islamarkaana uu kulamo la qaadan doono qeybaha Bulshada degmadaasi.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shalay booqday Magaalada Buula-Barde ee Gobalka Hiiraan isagoo qaabilay Qeybaha bulshada kana soo dhageestay Baahiyaha ay qabaan.

Gobalka Hiiraan ayaa magaalooyin ka mid ah waxaa go’doon Giliyay Al-shabaab wax ka badan 4 sano taas oo Shacabka gilisay Xabsi kor ka furan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.