Wasiirro ka tirsan Xukumadda Kheyyre oo Maanta hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Maanta oo Sabti ah waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay yeelan doonaan Kulan ay Su’aalo ku weydiin doonaan Saddex Wasiir oo ka tirsan Xukumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay 20-kii Bishaan in Golaha ay hor imaan doonaan Wasiiradda kala ah Wasiirka Warfaafinta Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” Wasiirka Cadaalada Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Fowsiyo Abiikar Nuur.

Wasiirada Maanta hor tagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa wax laga weydiin doonaa Hindise Sharcidyeeyo ay Wasaaradahaasi u soo gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sharciyada loo gudbiyay Golaha Shacabka waxaa ka mida Xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo Dib u habeyn lagu sameeyay haddana horyaalla Xildhibaanada Golaha Shacabka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.