Dhalinta Soomaliyeed Dalkaaga Difaaco W/Q Jimcaale

jim

Cinwaanku waa qaylodhalaan,waa mid xambaarsan dereen wadaniyadeed,waa mid an wax ka qabasho mooyaane aan wax ka dhihid u baahnayn,sidaas awgeed baa u doortay in aan qormadaan dhalinyarada Soomaaliyeed kula wadaago in aan manta ayyan u ekayn hordo iyo fadhi.

Bal marka hore aan idin xasuusiyo dalku ama dhulku waa huga dadku ku xaragoodu,ogow dhalinyarooy in haddii cadaw qaato dhamaanteen aan qaawanahay oo cawradayadu banaanka taalo sidaas awgeed maalin ka hor markaan maqaakaan qoray waxaan akhriyey qormo gaaban oo uu qoray walaaalkay xildhibaan Fiqi,aad baan ugu mahadcelinayaa in uu na baraarujiyey in talo faraha ka sii baxayso,asaga oo madaxweynayaasha maamulada kala mid dhigay Hoggaamiye kooxeedyadii mar dalku u kala qaybsanaa,waa arinta igu dhalisay aniga oo aad ugu dhaw X/dhibaan Fiqi in aan xoojiyo aragtidiisa dareenka fog xambaarsanyd balse aan xaal siiyo hoggaamiye kooxdayadii waa na soo maray.
Waxay ahaayeen kuwo xafeeftan ka dhexeeyo,waxay ka sinaayeen in ninba kan kale maquuniyo oo Soomaaliya oo mideysan asagu xukumo,waxay ahaayeen kuwo aan marna cadawga dalka heshiis iyo gorgortan kula galin sharxta,karaamada iyo madaxbanaanida dalka iyo dadkooda,waana arinta igu dhalisay in aan xaalsiiyo.

Dhalinyarooy wax badan baan soo bandhigay in federaalku Soomaali ku yahay haddaan siyaasadeed ee loo qoday dadka iyo dalka Soomaaliyeed.1943dii,saddex iyo tobankii wiil ee magacyadooda haysaan taariikhda ay ka tageen mid la mid ah ama ka weyn baa manta idiin furan ha ka ilduufina.mustaqbalka fog waxa leh waa idinka dhalinyarada ah,dalka waxaa lagu celiyey in la kala jarjaro ka dibna dib loo gumeysto,waxaa loo ageegsanayaa odayaal cimrikoodii wax yar ka haray oo doonaaya in ay jeebka ku qaataan ,wax yar armahaa dib u milicsada;-

-Dastuurku waa qabyo oo cod lamagelin federaalna asaga ayaa ka hadlaaya.
-Waxaa na loo qaybiyey maamulo federal lagu sheegay aan dadka lagala tashan.
-waxaa na loo sameeyey madaxweynayaal aan amar kala qaadan.

Magacii Soomaaliya waxaa lagu daray federal goormaan ku heshiinay?
1943dii,13 kii wiil ee dhalinyarada ahaa, dal isticmaar qaybsaday u kacay in ay xoreeyaan oo maskaxda dadkii shanta Soomaaliyeed hantaan ma haysan aqoonta aad manta haysataan ,ma haysan dhaqaalaha aad manta haysataan,ma haysan isgaarsiinta aad manta haysataan intaas waxaa idiin dheer cadawgii gumeysigii dawladaha badan oo Soomaaliya haystay khatartii hortaalay ee ay u bareereen in ay naftooda ku waayaan idin ku ma horgudbana.

Ogaada aan idin xasuusiyo haddii aydnaan ogayn in Aasaasihii SYL Marxuum Yaasiin Xaaji iyo C/qaadir Saqaawadiin oo lahaa maxkaxdii lagu hirgeliyey, ayyada oo gumeystuhu wax kasta oo aduunyo ah u sheegay si ay u joojiyaan halganka in labaduba u dhinteen cudurka qaaxada(TB) gaajo darteed.

Maanta bulshada 70% waa idinka, dalka waxaa badbaadin kara in aad cod iyo banaanbax ku muujisaan Federaal ma.Qalab idiin fududeyn kara
3/3
oo aad fikirkiina ku mideyn kartaan waa tiknoolajiyada manta min Raskambooni ilaa Lawyacado.30% soo haray waa hooyo iyo aabbe aan ka mid ah waana idin taageeraynaa insha Allaah.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Cabdulaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.