Nusoj oo 48 Wariye u qabatay tabar heerkiisu sareeyo oo ku saabsanaa xeerka saxaafada

wariye

In ka badan 48 Wariye oo ka shaqeysa Warbaahinta Gudaha Muqdisho iyo Gobalada Somalia ayaa manta ka qeyb gashay Aqoon is weedaarsi la xiriira Cilmiga Saxaafadda ,waxaana Soo qaban qaban qaabiyay Barnaamijkan Xog’haya Ururka Suxufiinta Qaranka Somaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaaruuq Cusmaan.

Inta aysan furmin dooda iyo aragtida Wariyaasha ka qeyb galayay ayaa waxaa hadal furitaan ah oo ku saabsan Xurriyul Qowlka Warbaahinta , Magacdilka iyo Shirciga Warbaahinta jeediyay Xog’hayaha Ururka Suxufiyiinta ee NUSOJ

Qaarkamid ah Wariyaashii ka qeyb galayay Dooddan ayaa si adag ugu dooday arrimaha la xiriira xurriyadda hadalka ee Warbaahinta Somalia ,iyo dhibaatooyinka ka yimaadda ,waxana Suxufiyiinta ay ka sinaayeen aragtida ah ,in Somalia ay ka jirto caburin ku aadan Warbaahinta iyo in ay jiraan Barnaamijyo la doonayo in Saxaafadda Somalia lagu aamusiyo.

Ugu danbeyntii Wariyaashii ka qeybgalayay Dooddan ayaa Xog’haya Ururka NUSOJ Cumar faaruuq ka codsaday in uu wax badan ka qabto ,howlaha socda ee la donayo in lagu aamusiyo Warbaahinta Madaxa banana ee ka jirta Somalia ,waxaana Cumar uu Suxufiyiinta u ballan qaaday in uu wax badan ka qaban doono arrimahan.
musoj

nusoj

nusoj

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.