Buuhoodle: Baabuurkii Dr. Galaydh oo la dhacay.

cali

Dabley hubaysan ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday Hotel Cabdigurey Plaza oo waayadan saldhig u ahayd Prof Cali Khaliif Galayr.

Dablaydan ayaa xoog ku galay hotel ka. Iyagoo jebiyey albaabka weyn ee laga galo hotelka. Waxayna halkaas ka wateen baabuurkii Prof Gahaydh oo ahaa VX ama nooca Soomaalidu calaawiga u taqaano.

Kooxda weerartay xalay Hotel ka ayaa laba goor oo hore rabshado ka sameeyey Hotel ka iyagoo sheeganaya inay mushahar ciidanimo ka rabaan Madaxweyne Galaydh oo ay sheegeen in laba bilood ka hor uu askar ahaan u qortay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.