Daawo:Nin kayaabsaday Bulshada Jubbaland Gaar ahaan Shacabka Kismaayo

cabdiwali

Magaalo Xeebeedka Kismaayo Waa Xarunta Ku meel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland ee Madaxwaynuhu ka yahay Axmed Islaam Axmed Madoobe, shacabka Kismaayo iyo Baarlamanka Jubbaland ayaan xor u ahayn inay marnaba sheegeen wax kulida ama dhaliil ku aadan Madaxwaynaha Jubbaland.

Saxaafada madax banaan ma tabin karaan cabasho ay shacabka kacabnayaan maamulka iyo madaxwaynaha, Baarlamaanka Jubbaland ee kusugan kismaayo marnaba dhaliil uma soo jeedin karaan maamulka Jubbaland waana hawshii loo idmaday baarlamanka Jubbaland kii wax kasheegana Madaxwaynaha waa laxirayaa sidii Hada kahor kadhacday Kismaayo, qaar kamida Baarlamanka Jubalandna waa iskaga fakadeen Kismaayo ayakoo hada kusugan Muqdisho waxaa kaloo sii xumaanaya Xiriirka shacabka Jubbland iyo maamulka Axmed Madoobe.

Hadaba Kismaayada Xaalkeeeda saas yahay ayaa waxaa dalka Maraykanka Sagootin Loogu sameeyey Cabdiwali Axmed Warsame oo u sharaxan Duqa Magaalada Kismaayo waxuuna sheegay inuu wax badan kabadalayo xaalka hada ay kusugan tahay Magaalada Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.