Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo lagu dilay

Koox Bastooladley ah ayaa Xalay Xaafad ku taala degmada Wadajir ee gobalka Banaadir ku dishay mid ka mid ah Ciidanka Dowladda Soomaaliya sida ay dadka deegaanka u sheegeen Idaacada Kulmiye.

Dhalinyaro Bastoolad wadatay ayaa dilka fuliyay waxaana la sheegay in ay Askari dhowr rasaas ah ay kaga dhufteen qeybta sare ee jirkiisa kadibna waxaa la xaqiijiyay in ay goobtii ka baxsadeen dableydii dilka ka danbeysay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka Askari, qoraal la soo dhigay Barta wararka ay ku baahiyaan Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay Howlgal lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda ay ka fulisay Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.