Haweeney Ganacsato ah oo Xalay lagu dilay Xaafadda Towfiiq

Koox Bastooladley ah  ayaa Xalay Xaafadda Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid gaar ahaan Dhanka Siliga ku dishay Haweeney la sheegay in ay ka Gacansan jirtay iibinta Dhuxusha la shito.

Alle ha u Naxariistee Haweeneyda la dilay ayaa Magaceeda lagu sheegay Dahabo Xuseen,waxaana ay ka mid aheyd Dadka ku Nool Xaafada Towfiiq,iyadoo ka Ganacsan jirtay Dhuxusha.

Goobjoogeyaal ayaa KNN u sheegay in Dableey Bastoolado wadata ay Dileen Marxuumadda,kuwaas oo Dilka ka Dib Goobta ka baxsaday.

Ciidamada Ammaanka Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir ayaa Goobta Xiray wax yar ka dib markii uu Falka Dilka ah dhacay,waxaana ay Baaritaano kala duwan ka sameeyeen Xaafadda uu Dilku ka dhacay,hayeeshee ma jirto Cid weli ay u soo qabteen Falkaas Dilka ah.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka intaba ayeysan ku Cusbeyn in la beegsado Haweenka iyo Dadka Birma geydada ah,kuwaas oo Dilkooda uu soo batay waxii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday Dowladdii Dhexe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.