Raisulwasaaraha Itoobiya oo Sheegay in Guulo Laga Gaaray Dagaalka Al-shabaab

Raisulwasaaraha dalka  Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa sheegay in guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab.

Desalegn ayaa sheegay in ay aad ugu qanacsan yihiin xukuumadda iyo maamulka Soomaaliya maanta ka jira.

Sidoo kale Raisulwasaaraha dalka  Itoobiya Hailemariam Desalegn   oo ka hadlayay siyaasadda geeska Afrika ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ka jiraan waddamada geeska Afrika.

Raisulwasaaraha Itoobiya ayaa ka gaabsaday su’aalo dhowr ah oo ku saabsan Dowladda Eriteriya, waxaana uu si joogta tusaale ugu soo qaadanyay dowladda Soomaaliya isagoo ku celceliyay xiriirka sii kobcaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u gacan gelisay dowladda Itoobiya muwaadin Soomaali ah oo ka tirsanaa jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed (ONLF), sidoo  kalena go’aamisay in ururka ONLF uu yahay urur argagixiso

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.