Maamulka Boosaaso oo Soo Bandhigay Maandooriye iyo Ragii Watay+Sawirro

Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso  ee Gobolka Bari ayaa soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya oo lagu qabtay Kantaroolka xili la rabay in magaalada la soo galiyo.

Ciidamada amaanka waxaa sidoo kalea  u suurtagashay soo qabashada shaqsiyaadkii waday Iyo kuwii ay u wadeen oo ku sugnaa gudaha magaalada Boosaaso.

Ugu hoeyntii Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo arintan ka hadlay waxa uu sheegay in maandooriyahan uu dhanyahay labo Kiilo islamarkaana ciidamada Kantaroolku ay soo qabteen ragii watay iyo kuwii loo wadayba waxana sidoo kale uga digay cidkasta oo ku hawlan soo galinta Mandooriyaha magaalada Boosaso.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhado oo ku sugnaa madasha lagu soo bandhigayey maandooriyahan ayaa Amaan u soo jeediyey dhamaan laamaha Amaanka ,waxaana uu ku bogaadiyey shaqada ay hayaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.