Wariyayaal Ku Dhaawacmay Qaraxa Magaaladda Baladweyne+Magacyadda

deg

Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee goordhaweyd ka dhacay magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen tiro dad ah iyo qaar kamid ah wariyayaasha ka howlgala gudaha magaaladaas.

Wariyayaasha ku dhaawacmay qaraxa ayaa kala ah C/Shakuur Maxamed oo u shaqeeya Idaacadda Starfm iyo  tv-ga Saabtv, C/Qaadir Cumar Ibraahim oo u shaqeeya RTN iyo idaacadda  Simba ee Magaaladda Muqdisho iyo Cabdullahi Cismaan Macallin Jubaland TV.

Nin isku soo xirey Waxyaabaha Qarxa ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta maamulka Magaaladda Beledweyne ee  Gobolka Hiiraan, oo xiligaas aheyd mid aad u mashquul badan.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda beledweyne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.