DHAGEYSO: Gudoomiye Taabid oo baaq u diray Hay’addaha Ammaanka

taabit
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa Ciidamada amaanka ugu baaqay in ay Maamulka Gobolka kala shaqeeyaan hagaajinta bilicda Caasimada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in Ciidamada amaanka ay biro iyo dhagaxaan ku jaraan wadooyinka dib loo dhisay iyo kuwa bilicdooda la hagaajiyay.

Waxa uu sheegay in Ciidamada loogu baahan yahay in ay iska joojiyaan arrintaan muhiimna aysan aheyn  in ciidamada amaanka ay wadooyinka nadaafad daro iyo muuqaal xun ka bilaabin.

Dhanka kale Guddoomiye Thaabid ayaa sheegay in wadada Janaraal Daa’uud si rasmi ah ay u bilaabatay dib u dhiskeeda,isagoo intaasi ku daray in la dhisi doono dhamaan waddooyinka burbursan ee dhexmara degmooyinka Gobolka Banaadir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.