Soomaali-land oo sheegtay in 5,000 oo Askari in ay u direyso Muslimiinta Myanmar

Iyadoo ay sii kordhayso weerarada ay Dowladda Myanmar Ciidankeeda ku qaadayaan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalkaasi ayaa waxaa sii kordhaya Dunida Muslimka ee ka hadlaya waxaana ku biiray Maamulada ka hadlay Soomaali-land.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in ay doonayaan in Somaliland ay ciidamo u dirto dalka Myanmar, halkaasi oo lagu dhibaateeyo Muslimiinta Rohingya.

Axmed Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaanada maamulka Somaliland ayaa sheegay in 15 ka mid ah Golaha Wakiilada ay diyaariyeen Mooshin la horgeynaayo Baarlamaanka ,kaasoo oo ah in ciidamo dhan 5,000 oo askari loo diro Barma ay wadaan Goluhu.

Waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga ay ka codsanayaan in ay siiso diyaarado Ciidankaasi lagu qaado oo geeya Burma,Maadaama Somaliland aan la aqoonsaneyn.

Xasuuq aan loo dulqaadan karin ayaa ka socda Dalka Myanmar kaas oo ay Dowladda dalkaasi u geysaneyso Muslimiinta Rohingya, Dowladaha Islaamka ayaa ka gaabiyay dhibaatada Shacabkaasi ku heysata Dalkooda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.