Dil iyo Dhaawac oo xalay ka dhacay meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraro kala duwa ka geysatay degmooyinka Boondheere iyo Hodan ee Gobalka Banaadir waxaana weeraradaasi ay ahaayeen toogasho toos ah.

Weerarka 1aad oo ahaa dil ayaa ka dhacay Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan, kadib markii dabley hubaysan  ay toogteen  qof ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka lamana oga waxa uu qaban jiray ama ay shaqadiisa aheyd.

Sidoo kale Koox kale oo hubeysan ayaa weerar lagu dhaawacay mid ah Ciidanka Soomaaliya ku qaaday degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Askariga Ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa la dhaawacay Xilli uu marayay Xaafad ku dhawa Isgoyska Boondheere waxaana dhaawaciisa ka danbeeyay rag Bastoolado watay.

Kooxihii dilka iyo dhaawaca geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ammaanka oo howlgallo ka sameeyay, Howlgalka ka dhacay siigaale lama sheegin wax dad ah oo lagu soo qabtay balse Howlgalka Boondheere ayaa goob joogayaal KNN waxay  u sheegeen in ku dhawaad 10 qof lagu qab qabtay.

Dilka iyo dhaawaca xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo Shalay gaari uu leeyahay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka degmada Dharkeynlay lagu weeraray degmadaasi kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaa arimahaan oo dhan ka sii horeeyay weerar kale oo ka dhacay todobaadkii hore.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxa ay aheyd mid daggan, markii loo eego bilo ka hor, waxaa aad ugu yaraa dilalka iyo weerarada sidoo kale waxaa aad ugu yaraa qaraxyada markii lagu cabiro sidii ay Magaalada ahaan jirtay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.