Soomaalidda Virginia oo Isbitaalka Garbahareey ugu deeqay $ 55.200 “Sawiro”

garbo

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Virginia ayaa qabtay Shir dhaqaalo aruurin ah oo loo sameeyay Isbitaalka Jaalle Siyaad ee magaaladda Garbahaareey gobolka Gedo.

Shirkan oo qeyb ka noqonaya shirar xiliyo kala duwan lagu qabtay daafaha dunida kuwaas oo isbitaalka dhaqaalo ururin loogu samaynayay waxaa ka soo qeybgalay Qeybaha bulshada Masuuliyiin xilal u haya Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwo xilal ka soo qabtay dowladihii hore ee dalka Soo maray.

Waxaa ka hadlay Dhaqaatiir,Culumo,Ganacsato,Siyaasiyiin, Barayaal Jamacadeed, Samafalayaal iyo kuwo kale oo dhamaan halboowle u ah Soomaalidda Gobolkaasi.

Safiirka dowladda Soomaaliya u jooga DC Dr. Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay shirkan dhaqaalo aruurintaa ayaa uga mahadceliyay Gabdhihii waqtigooda galiyay sidii isbitalkan u hirgali lahaa iyo qofwalba oo dhaqaale ku bixiyay, waxa uu Safiirku xusay bixinta Sadaqada iyo dhaqaalaha dadka lagu caawinayo in ay qeyb ka yihiin dhismaha iyo Bad baadinta Bulshadeena oo xili dheer ku jirtay Colaad bur burisay Kaabayaashii dadka loogu adegayay oo ay isbitaaladu ka midka ahayeen.

C/casiis Maxaay oo ah samafale marwalba garab taagan Bulshada Soomaaliyeed isla markaana ka qeybqaatay sidii dhidibada loogu taagi lahaa isbitaalka Garbahareey ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay, waxa uuna Maxaay ugu baaqay Jaaliyadaha dibada iyo kuwa dhaqaalaha haysta in aysan dayicin fursadaha ay dadkooda ku samo fali karaan.

Ibrahim Sheekh Axmed oo ah Masuul ka shaqeeyay arimaha samafalka iyo dhaqaalaha isla markaana Bartay Cilimiga dhaqaalaha ayaa waxa uu si weyn uga hadlay xaaladda dalka gaar ahaan Marxaladaha la xariira Caafimaadka oo uu xusay in dayacweyn uu haysto dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka fog magaalooyinka iyo xaalada isbitaalada dalka oo aan ahayn kuwo 100/100 u dhamaystiranyihiin adeegii loo bahanaa.

Dr. Maxamuud Cabdi Nuur oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladii Kacaanka ayaa si weyn uga sheekeeyay Horumarkii dalku soo gaaray iyo halka Manta la joogo isaga oo Ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka faaiideystaan Qeyraadka dalkooda isla markaana u jeestaan in ay dib u dhisaan kaabayaasha Bulshada sida Isbitaaladda, Iskuuladda, Xarumaha wax soo saarka iyo wixii la mid ah.

Fowsiya Ciise oo madax ka ah Hay’adda Fowzia Foundation ayaa ka sheekaysay dhacdooyin xanuun baddan oo ay indhaheeda ku soo aragtay xili ay dalka Soomaaliya qeybo ka mid ah booqasho ku gaartay gaar ahaan waxay fowsiya sheegtay in ay soo aragtay Haween u dhimanaya wax yar oo laga bad baadinkaro xiliga dhalmada iyo uurka taas oo tusaale u ah sida xarumaha caafimaadku ugu yar yihiin dalka, waxayna fowsiya ku baaqday in la badiyo dhismaha iyo cawimaada la siinayo xarumaha caafimaadka oo halbowle u ah Bulshada.

Sahro Mirre oo ah Macalimad wax ka dhigta qaar kamid ah Schoolada gobolka Ohio oo dhankeeda ka hadashay ayaa sharaxaad dheer ka bixisay ahmiyadda Sadaqada iyo Samafalku u leeyihiin qofka iyada oo dadkii hormuudka u ahaa dhismaha isbitaalka Jaalle Siyaad ee garbahreey ku tilmaantay Geesiyal bad baadiyay noqolsha Hooyooyin iyo Caruur u dhimanayay helida gar gaar caafimaad.

Canab Cali Xaashi iyo Deeqo Maxamed Siyaad oo ka mid ahaa Aas aasayaashii Isbitaalkan ayaa ka sheekeeyay Marxaladihii uu soo maray iyo halka uu taaganyahay isbitaalkan oo ka kooban inkabadan 40 qol, waxayna uga mahadceliyeen Jaaliyada Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka waqtigooda iyo Xoolahooda ay ugu deeqeen sidii loo bad baadin lahaa dad Soomaaliyeed oo cawimaad u bahan.

Deeqo Maxamed Siyaad ayaa ka sheekaysay in xili ay booqatay Garbahareey uu wiil ka tagay Mareykanka oo ay ku kulmeen halkaasi uu u sheegay in uu joogo 4 asbuuc asbuuc walbana ay dhimanaysay ama umul raacaysay Hooyo Soomaaliyeed oo aan helin Gar gaarkii ay u baahneyd.

Gabdhaha hormuudka u ah Jaalle Siyaad Hospitaal waxa ay balan qaadeen in ay garab istaagi doonaan cidwalba oo qabanaysa howlo la xariira samatabixinta Hooyada iyo dhalaanta kuwaas oo ah halboowlaha bulshada isla markaana u bahan in la bad baadiyo

Gabogabadii xafladan ayaa lagu dhawaaqay in jaaliyada gobolku kulankoodii dhaqala aruurinta uu ka soo baxay dhaqaalo dhan $ 55.200 taas oo sare u qaadaysa Niyada Deeq bixiya yaasha iyo howl wadeenadii xafladan.

hospital

hospital

hospital

hospital

hospitap

hosp[ital

garbo hospital

garbohos

hospital

hospital

hospital

hospital

hospital

hospital

hospital

hospital

hospital

hospital

 

hospital

hospital

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.