Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maalinta Sabtida ka doodaya go’aanka Xukuumadda ee Qalbi Dhagax.

Gudiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku go’aamiyeen dib u bilaabista kulamada baarlamaanka kadib markii loo hakiyay maalmihii la soo dhaafay gudashada waajibaadka xajka.

 

Sidoo kale guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa isla gartay in ajandaha ugu horeeya ee maalinta Sabtida ay xildhibaanada ka doodi doonaan uu noqdo arrimaha la xiriira Cabdikariin Qalbi Dhagax oo dhawaan loo dhiibay dowladda Itoobiya iyo go’aankii Xukuumadda ka qaadatay.

Kulanka Xildhibaanada ee Maalinta Sabtida ayaa la filayaa in uu noqdo mid ka duwan kulamadii hore waxaana jira hadal heyn iyo Guux Siyaadeed oo salka ku haaya go’aankii Xukumadda Ra’iisal Wasaare Kheyrre ay ka qaadatay C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo ka tirsanaa Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta dhulka Soomaaliya oo ay Itoobiyo Maamusho.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa qaba dareen ah in qal qal siyaasadeed ay lugaha la gali doonto Xukumadda Kheyrre, Siyaasiinta ku nool magaalada Muqdisho ayaa ku baaqaya in daganaan ay muujiyaan Hay’adaha Dowladda si aan loo dhaawicin Rajada Shacabka Soomaaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.