deg:deg qasaare ka dhashay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Duleedka berbera

wararka ka imaanayo Deeganka Geel La Kor oo u dhexeeyo Degmooyinka Sheekh iyo Berbera  ee uu maamulka Somaliland ka arimiyo ayaa waxa ay kusoo waramaayaan in shil gaari oo geestay khasaaro hantiyadeed iyo mid nafeedba uu ka dhacay deegaankaasi.

Shilkaani ayaa imaaday kadib markii labo gaari oo kala ahaa Bas dadka rakaabka ah qaada iyo gaari nuuca raaxada ah oo lagu sheegey Noah in uu yahay iyadoo labadaasi gaarina uu burbur xoogan uu soo gaaray.

Shilkaani ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo afar ruux halka 10 ruuxna ay ku dhaawacantay waxaana dadka halkasi ku dhaawacmay loola cararay Isbitaal halkaa ka agdhawaa si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.