Daawo:Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa soo dhoweeyay Go’aanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee ku aadan C/kariin Qalbi Dhagax

jeesow

Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa soo dhaweeyay go’aankii Xukuumadda Federaalka ah ee shalay, kuwaasi oo tilmaamay in Xukuumadda ay ku saxantahay go’aanka ay qaadatay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaanno kale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Xukuumadda, waxaana ay tilmaameen in Xukuumaddu ay mas’uul ka tahay amniga dalka.

Xildhibaannadan ayaa xusay in arrinta ay ku timid heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood, ayna muhiim tahay in la dhaqan geliyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

Mudanayaasha ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya aysan raali ka noqon doonin in Jamhuuriyadeeda ay ku dhuumaleystaan dad dambiyo kala duwan ka soo galay dalalkoo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.