dowlada soomaaliya oo furtay bandhiga Wajiga 1aad ee Shaqo Abuurka  loogu sameynayo 1,000-ka Dhalinyaro oo ku nool gobolka banaadir

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mdane Thaabit Cabdi Maxamed oo kahadlay Munaasabadan ayaa sheegay in dhalinyaradan 1,000 ay tahay farsadeeda ay ka faaiideysanayaan Muqdishaawiyiinta Mudan ee dhalinyarada Shaqo l’aanta ah ee Caasimadda ku nool.

Qaar ka mid ah Shuruuda Xulashada
1-In uu yahay qof degmada uu ka tartamayo Degan yahay.
2- in uu heesto Shahaado Dugsi Sare Ugu yaraan.
3- In uu jiro da’ ahaan 18 ilaa 29 sano.
4- in uu CV-ga geeyo Degmada uu degan yahay, kana qeyb galo Imtixaanka
5- in uu xariir laleeyahay Dhalinyarda Degmada, leeyahay xirfadaha Isticmaalka Computer-ka ( Microsoft & Word ), iyo kuwo kale.

Fursadan Shaqo waa u simabyihii Wiilasha iyo Gabdhaha, Number isla eg ayaana laga qaadanayaa  degmo kasta.
Sidoo kale waaxaa fursadahaan wax ku leh dadka Baahyada gaarka ah qaba, oo doorkooda lasiin doono.

Degmo kasta waxaa laga soo xulayaa 58 Dhalinyaro ah, waxaana nidaamka xulida ka wada shaqeenaya Gudi isugu jiro Heer degmo iyo Heer Gobolka.

Su’aalaha aad qabtaan waad nala soo wadaagi kartaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.