Taliyihii qeybta booliska gobolka Nugaal oo diiday xil ka qaadistii lagu sameeyay

Taliyihii qeybta booliska gobolka Nugaal gaashaanle sare, Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen, ayaa kasoo horjeestay wareegto xilkii looga qaaday laguna magacaabay taliye cusub.

Gaashaanle sare, Cabdirashiid, oo  la hadlay warbaahinta, ayaa ku goodiyay inuusan taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland xilka ka qaadi karin, isagoo sheegay inay labo korneel oo siman ay yihiin.

Wuxuu sheegay inuusan dhaq jalaq usiindoonin go’aanka kasoo baxay islamarkaana uu shaqadiisa sii wadandoono, isagoo sheegay inay joogto cidii isaga xilkaan u magacowday kana qaadi karta.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa lagu badalay Gaashaanle Sare Faarax Warsame C/raxmaan oo loo Magacaabay Taliyaha Cusub ee Qeybta Booliska Gobolka Nugaal

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.