DEG DEG: Xildhibaan lagu weeraray Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee dalka, ayaa lagu weeraray Magaalada Muqdisho, kadib markii gaarigii uu saarnaa Xildhibaanka lagu rasaaseeyay Degmada Hodan.

Senatorka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Xuseen Cali Xaaji, isaga oo maraya meel ku dhaw Isbitaalka Masaarida ee ku yaal wadada u dhaxeysa Tarabuunka Iyo Ex- Isbitaal Digfeer ayaana lagu rasaaseeyay.

Gabar uu adeer u yahay Xildhibaanka iyo ruux kale oo gaariga la saarnaa ayaa halkaasi ku dhaawacmay, halka Senator-ka aysan waxba gaarin.

Goobta lagu weeraray Senator-kan ayaa Bishii hore sidan oo kale waxaa loogu weeraray gaari ay la socdeen ilmo uu dhalay mid ka mid ah masuuliyiinta Shirkadda Dahabshiil, halkaasina waxaa lagu dilay saddex ruux, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.