Iskaashi u Bilowday Baarlamaanadda Somaaliya iyo Koonfur Afrika+Sawirro

Mudanayaal ka kala socday Somalia iyo South Africa ayaa kulan ku yeeshay xarunta baarlamaanka Koonfur Afrika ee Magaalada Cape Town, iyadoo dhanka Soomaaliya ay uga qeybgalay Xildhibaan Cabdifataax Ismaciil Daahir iyo Diblamaasiyiin kale, waxaana Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Afrika ay aad ugu riyaaqeen taabagalka kulankan oo ahaa mid ahmiyad gaar ah u leh Dowladaha Soomaaliya iyo K/Afrika.

Suurtagalnimada shirkan ayaa waxaa looga mahadceliyey Ganacsade Mahad Omar Abdi oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Somalia Rising soo abaabulay kulankaas, waana tallaabo sii xoojinaysa iskusoo dhawaanshaha labada Dowladood.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo abuuri lahaa koox Xildhibaana ah oo ka shaqeeya isku xirka labada gole ee baarlamaanada Soomaaliya iyo koonfur Afrika, si ay isaga kaashadaan aqoonta, waaya arrragnimada iyo khibradda la is dheer yahay ee dhinacyada sharci dejinta.

Xiriirka Diblamaasiyadeed ee Somalia iyo koonfur Afrika, ayaa soo hagaagayey sanooyinkii ugu dambeeyey, inkastoo aysan jirin cid isku hawsha oo xitaa ka hadasha wax ka qabashada ugaarsiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu gaysto dalkani Koonfur Afrika

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.