Osoble oo Loo Caleema-saaray Madaxweynaha Maamulka Hiiraanland+Sawirro

cooble

Madaxweynihii xilka laga qaday ee Maamulka hir-shabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa beeshiisa u caleema-saartay in uu yahay madaxweynaha Cusub ee  maamul cusub  ee Hiiraanland.

Waxgarad iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka qeybgalay xafladda caleema saarka CaliC/llaahi Cosoble oo noqonaya madaxweynaha maamul fowdo ku dhisan oo saacado yar lagudhisay kana kooban gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Sare oo ah gobol markii xilka lagaqaaday uu ku dhawaaqay.

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hiiraanland Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in xilkaas loo caleema-saaro islamarkaana uu ka shaqeyn doono sidii loo hormarin lahaa hiiraan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibrahim ayaa sheegay in xildhibaanadaHirshabelle ay laaleen isla markaana burburiyeen nidaamkii hore loogu heshiiyay iyo dastuurkiiHirshabelle, sidaasi darteedna ay dhisteen maamul u gaar ah.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.