Al-shabaab:-“35 Ka Tirsan Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Dilnay”,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya labo qarax oo ka dhacay goob a fariistaan Ciidamada amaanka maamulka Puntland oo  ku taala deegaan dhaca duleedka magaalada Boosaaso.

Labada qaraxa ayaa ka dhacay saldhig Ciidamada Puntland ay ku lahaayeen deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari .

Qaraxa koowaad lala helay isku imaatin ay maandooriyaha khaatka ku cunayeen ciidamada waxaana qaraxaas ka dhashay dhimashada ugu yaraan 10 askari sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Markii qaraxa koowaad uu dhacay ayay ciidamadu bilaabeen in ay daad gureeyaan dhaawacyada iyo dhimashada ayna kala eryaan dadka shacabka ah ayuu qarax 2-aad qabsaday ciidamada Puntland arrinkaas oo sare uqaaday khasaaraha gaaray ciidamada.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada

“35 katirsan  Ciidamada Maamulka Puntland ayaa ku dhintay qaraxyo mujaahidiintu kula beegsadeen deegaanka Af-urur ee duleedka Boosaaso, dhaawaca cadowga gaaray wuxuu ka badanyahay 50 askari” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dagaalyahanada Al Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.