Madaxweyne Gaas Oo Umada Soomaaliyeed Ugu Hambaliyeeyey Munaasabada Ciidul’Adxaa

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo sanadka gudanaya waajibaadka Xajka ayaa Ciida ugu hambalyeeyay ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland.

‘’Ciid Mubaarak, Ciid Mubaarak, waxaan hambalyada ciidul Adxaha halkan uga hambalyay-nayaa shacabka Soomaaliyeed meelkastay joogaan, guud ahaan iyo gaar ahaanba shacab weynaha reer Puntland, waxaan Illaahay uga rajaynayaa in iyaga caruurtooda, xaasaskooda, ehelkooda, qaraabadooda iyo meelkastay joogaanba dibad iyo guddaba ay ku ciidan ciid wanaagsan, sanadka sanadkiisana ay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo, nabadgelyo, midnimo iyo waddajir.

C/wali Gaas ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Ciidamada qalabka Sida ee Puntland, oo uu sheegay in ay wax badan ka qabteen arrimaha ammaanka, wuxuuna shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.

“Waxaan, sigaara rabaa halkan inaan uga mahad celiyo ciidamada qalabka sida ee reer Puntland oo noo ogolaaday inaanu ku xajino si nabad gelyo ah dalkana uga soo baxno una soo ducayno, dibad iyo gudana dalkooda ka difaacay cadawga, aad iyo aad bay u mahadsan yihiin, si gaarana waan ugu soo ducaynaynaa, Allena waxaan ka baryaynaa inuu noo siyaadiyo wanaaga faraha badan ee uu nagu galaday”

Madaxweyne Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday marwalba in ay Alle ka baryaan, inuu dalkeena noo hagaajiyo, inuu noo nabadeeyo, inuu dhibta nagasaaro, inuu abaarta naga saaro, inuu colaadda nagasaaro, dabadeedna uu waddanka noo islaaxiyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.