Shacabkii Gobolka Gedo oo buuxdhaafshay Xabsiyada Baladxaawo iyo Doolow, Qaarna lamasaafurey

xabsi

Xabsiyada Magaalooyinka Baladxaawo iyo Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa buux dhaafiyey dad Shacab ah oo ay iska xir xirteen maamulada Baladxaawo iyo Doolow.

Warbaahinta Gedotimes oo laxariirtay ehelada dad badan oo dadkooda ku jiraan xabsiyada Doolow iyo Baladxaawo ayaa xaqiiqjiyey dhibaato xun lagu hayo shacabka gobolka Gedo waxayna intaas ku direen in shacabka qaar kamida hantidooda laboobey qaarna Magaalada laga Masaafuriyey.

Eedeymaha loo jeedinaayo maamulada Degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ayaa isi soo taraayey kuwii ugu dambeeyeyna waxay ahayeen dhalinyaro xabsiga Baladxaawo lagala baxay kadibna ladilay iyagoo Maxkamad lagayn.

Warbaahinta Gedotimes oo isku dayday inay Su’aalo kawaydiiso maamulada Baladxaawo iyo Doolow eedeymaha loo soo jeediyey way ka gaabsadeen inay ka hadlaan dhibka ay ugayteen shacabka Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.