Daawo:Ciidamada Aminiga Muqdisho oo ka hortagay Qarax Shacabka lagu dhibaatayn rabay

qarx

Qarax aan geysan qasaaro badan ayaa waxaa uu ka dhacay aagga Xaaji baasto ee degmada hodan ee Gobalka Banaadir hasayeeshee waxaa muhiim ii ah in aan soo bandhigo shaqada ay Ciidana Somalia u hayaan Bulshada Somaliyeed.

Qaraxaan ayaa ahaa mid aad u xooggan ,hadana waxaa uu dhaawac ka soo gaaray Sedax qof oo la ii sheegay in laba kamid ah ay Boolis ahaayeen iyo hal qof oo shacabka ah oo aan indhaheyga ku arkay.

Waxaa in la’is weydiiyo u baahan Qaraxan oo jugtiisa ay cusleyd iyo saameynta yar ee uu geystay,waxaana arrintan Sabab u ahaa in Ciidamada Booliska ay dad ka ugu digayeen in ay ka dig toonaadaan Qaraxan ,waxaana dadka loo diidayay in ay wadada isticmaalaan ,taas ayaa keentay in qasaaraha uu yaraado.

Ciidanka ayaa naftooda u huray Shacabka ,waxaana ay ka hor istaageen in qattarta ay saameyn xooggan ay yeelato.
Mahadsanidiin Ciidamada ammaanka ee dalkeena.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.