War Deg Deg ah:- Madaxweynaha maamulka Galmudug oo ka hadlay Dagaalka Xeraale

xafsade

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta Magaalada Cadaado kula Shiray Baarlamaanka Maamulka Galmudug,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo Dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanadu ay wax ka qeydiiyeen Dagaalka ka socda Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud islamarkaana u dhexeeya Maleeshiyo Degaanka ah iyo Ciidamada Maamulka Ahlusunna.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Galmudug ay Difaaceyso Shacabka Reer Xeraale islamarkaana aysan Aqbali doonin in la dhibaateeyo Dadka ku nool Magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Dhanka  kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Baarlamaanka ka hor sheegay inuu soo celin doono Wasiiraddii Xukumaddi C/kariin Guuleed,kuwii is casilayna uu soo Magacaabi doono,iyadoo hadalkaas ay ka soo khilaafeen qaar kamida Xildhibaanada Galmudug.

Axmed ducaale xaaf ayaa horay Baarlaamnka Galmudug uga Codsaday in ay Mudo 72 Cisho ah ay siiyaan si uu u soo dhiso Xukumad Cusub,iyadoo Warka Maanta uu Baarlamaanka ka horsheegay uu ka duwan yahay Go’aankiisii hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.