(Sawiro) cago lule oo xalagu wareeray hoyga uu ka deganyahay magaalada buuhoodle:

August 17 (Gedo times)Dabley hubeysan oo ka tirsan garabka cali khaliif ayaa xalay weerar ku qaaday xarunta ay degan-yihiin garabka kale ee cabdul cagalule magaalada buuhoodle , iyadoo iska hor imaad muddo socday uu halkaas ku dhex maray dableydii labada dhinac oo aan khasaare ka dhicin.

Faarax Maxamed Dallmar oo kamid ah saraakiisha ciidamada garabka cabdul cagalule oo soo bandhigay rasaasta lagu soo riday guriga madaxweyne cabdul cagalule ayuu ku sheegay inay baacsadeen kadibna ay galeen hotel cabdi-gurey ee buuhoodle.

Inkastoo markii hore dagaalkooda ku koobnaa saxaafadda iyo kala jiidashada xildhibaanada ayaa markan la isku tijaabinayaa awood rasaas iyo dagaal taas oo sababi karta dagaal sukeeya,waxaana xusid mudan in uu dhawaan sheegay cali khaliif inay soo afjarayaan cabdul cagalule

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.