Mid kamida maxabistii ku xidhnaa xabsiyada dalka India oo geeriyooday:

August 17 (Gedo times)— Mid ka mid maxaabiistii Soomaalida ahaa ee ku xirnaa Xabsiyada dalka India ayaa la xaqiijiyay inuu xalay geeriyooday.

Maxbuuskan ayaa noqonaya kii 3aad ee ku dhinta xabsiyada dalka Hindiya, halkaasoo ay ku heysato xaalado caafimaad darro iyo tacadiyo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya inay jiraan maxaabiis kale oo la xanuunsan cudur kala duwan, kuwaasoo la dhigay Isbitaal.

Maxbuuskan geeriyootay ayaa la sheegay inuu hayay cudurka sokorta iyo TB-da, waxaana jira maxaabiis kale oo xanuunadan la il daran.

Illaa 118 Maxbuus Soomaali lagu soo eedeeyay burcad badeednimo ayaa ku xiran xabsiyada dalka India.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan heshiis is dhaafsi maxaabiis la saxiixatay dowladda India, iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay xukuno kala duwan lagu riday maxaabiis dhowr ah, kuwaasoo la qorsheynayo in loo soo wareejiyo Soomaaliya, si ay ugu dhameystaan xukunkooda xabsiga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.