Gudoomiye gobolka banaadir tabit ayaa golaha wasirada ka codsaday in bajadka gobolka loo kordhiyo:

wasro

Guddoomiye gobolka Taabid Cabdi ayaa uga warbixiyay Golaha Wasiirada xaalada gobolka, dhinacyada amniga, horumarka iyo caqabadaha jira, isagoo faah faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii xafiiska ula wareegay.

Waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu u adeego 25% shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo hadal qaaday dakhliga 15% ee ay ka helaan Dekeda.

Guddoomiyaha ayaa ka codsaday Golaha Wasiirada in 10% loogu kordhiyo dakhliga, lana gaarsiiyo 25%, si loo hagaajiyo adeegyada aas aasiga ee ay u baahan yihiin muwaadiniinta.

“15% kaliya ayaa Dakhliga Dekedda Xamar laga siiyaa G/Banaadir, Si loo horumariyo adeegyada waxaan codsanay kordhin qoondo si ay u noqoto 25%”ayuu yiri Guddoomiye Taabid oo ka hadlayay shirka Golaha Wasiirada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa todobaadkii hore daah furay hanaanka maareynta Maaliyadda Dadweynaha, kaasoo ah nidaam casriga ah oo lagu maamulayo miisaaniyada iyo isticmaalka qarashaadka Dowladda Hoose.

Gobolka Banaadir ayaa dhaqaalaha uu ka helo Dekeda Muqdisho ku maareeya howlaha iyo adeegyada kala duwan ee dowladda hoose, waxaana maamuladii hore ee gobolka soo maray ay ka heli jireen Dekeda Muqdisho Dakhli dhan 15%.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.