Xildhibaano sheegay inay xilka ka qaaden m/kuxigen maamulka hirshabelle cali guudlaawe

August 16 (Gedo times) Xildhibaano taageersan Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle C/laahi Cosoble oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabelle Cali C/laahi Xuseen Cali Guudlaawe)

Maxamed C/laahi Digaale Gudoomiye ku xigeenka labaad ee garabka Xildhibaanada taageersan Cosoble, ayaa sheegay Mooshinka xilka looga qaaday Cali Guudlaawe inay keeneen in ka badan 30 Xildhibaan.

Cod qaadis loo sameeyay Mooshinkaasi ayaa waxa ay sheegeen in Xildhibaano gaaraya 67 Xildhibaan ay ogolaadeen in xilkii laga qaado Cali Guudlaawe Madaxweyne ku xigeenka, halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay, midna uu diiday.

Xildhibaanadan sheegay in ay xilkii ka qaadeen Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale xalay waxa ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, oo arrintaasi ku tilmaamay mid ay wataan shaqsiyaad gaar ah, welina isaga uu yahay Guddoomiyaha saxda ah.

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa hada waxaa ka taagan ka taagan qalalaase Siyaasadeed oo ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Madaxweynihii Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, Dowladda Federaalka weli kama aanay hadlin arrintan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.