Warar dheerada oo ka soo baxaya warer ay alshabab ku qaadeen keynya

shabab

Waxaa durba soo baxday digniin shalay soo baxay ay soo saareen laamaha amaanka dalka kenya oo aheyd in laga feejignaado weeraro ka dhaco Dalkaasi kenya waxaana Isla shalay ka dhacay Kenya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa ku dhintay weerarkii Shalay ee dhaba galka ahaa oo Dagaalyahano la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabab ay ka geysteen magaalada Gaarisa ee Kenya.

Warbaahinta kenya ayaa ku waramaya in 100 oo xajiriin ah  ay xadeen hubka iyo gaadiidka ciidamada Kenya ka dibna ku weerareen deegaan lagu magacaabo Alijize oo dhaca wadada xiriirisa Degaanka Bodai iyo Degmada Ijara, sida uu sheegay sarkaal Boolis ah oo diiday in magaciisa la sheego.

Sargaal ka badbaaday weerarkan ayaa sheegay in Gaariga ay ku socdaalayeen uu haleelay Qaraxa kaasi oo burburay, Askartan la weeraray ayaa tiradooda la sheegay in ay ahaayeen Todobo Askari, kuwaasi oo howlo Roondo ah Ka waday aagaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.