Kulamo xaasaasi ah oo ka socdo magaalada jawhar

August 16 (Gedo times)Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta marti gilineysa kulamo iska soo horjeeda oo ay yeelanayaan Xubno kala taageersan Madaxweynaha Maamulkaasi ee la sheegay in xilka laga qaaday iyo xubno kale oo taageersan Afayeenka Baarlamaanka Hirshabeelle isagana xalay la sheegay in xilka laga qaaday

Xildhibaano Xalay ku kulmay hoyga uu magaalada Jowhar ka dagan yahay Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in ay xilkii ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Shiikh Cusmaan Barre iyo labadiisa ku xigeen waxayna halkaasi ku doorteen afayeen cusub iyo ku xigeeno sida ay warbaahinta u sheegeen.

Jowhar ayaa maanta waxaa kulan lagu dooranayo gudiga doorashada Madaxweynaha ku yeelanaya Xildhibaanadii sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Cosoble waxaana shir gudoomin doona Gudoomiyaha Baarlamaanka shiikh Cusmaan Barre.

Dhinaca isla jowhar ayaa waxaa ka dhacay kulan kale oo ay yeelanayaan Xildhibaano taageersan Madaxweyne Cosoble iyo qaar ka mid ah Golahiisa wasiirada kuwaas oo sheegay in ay ka tashanayaan aayaha Gobalka.

Magaalada Jowhar iyo Guud ahaan Hirshabeelle ayaa wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u qasan taas oo laga cabsi qabo in ay sababto isku dhacyo dhaxmara labada dhinac ee halkaas ku muran aan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.