Madaxweynaha maamulka soomaaliland oo ka hadlay doorasha soomaalilnd

siilanyo

Madaxweynaha maamulka  Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo la hadlay Saxaafada ayaa waxaa uu soo hadal qaaday Arimaha Doorashooyinka iyo Halka ay marayaan Qaadashada Kaararka Codbixinta ee ka Soconaya deegaanada Soomaaliland.

Siilaanyo ayaa Waxaa uu Mucaaradka Maamulka Soomaaliland  ugu baaqay inay Door wanaagsan ka qaataan sidii ay Doorasho ugu dhici laheyd Deegaanada Soomaaliland,Isagoona Kula taliyay inay Iska Dhaafaan shakiga,islamarkaana ay ka Shaqeeyaan Hormarka deegaanada Soomaaliland.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliland ayaa Waxaa uu Shacabka ku nool Gobalka Sool ugu baaqay inay Si Sax ah u qaataan kaaararka Aqoonsiga ee Codbixinta.

Deegaanada Soomaliland ayaa Haatan waxaa laga Dareemayaa Diyaar garow ku aadan Doorashada madaxtinimada ee Maamulka Soomaaliland.

Waxaana Aad loo adkeeyay Amaanka guud ee Deegaanada Soomaaliland,Waxaana Wadooyinka lagu Arkayaa Ciidamo badan oo ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo Xaqiijinayo Amaanka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.