Buundada Degmada Baardheere oo Oo Dayactir u baahan iyo Baaq Loo diray Gaanacsatada iyo Qurbajoogtada”Sawiro”

baardhere

Maamulka degmada baardheere oo kaashanaya dhamaan shacab waynaha kunool degmada baardheere Ayaa bilaabaya qorsho balaaran oo dacaytir loogu samaynayo buundada degmada baardheere oo uu soo wajahay bur bur xoog leh.

Buundada degmada baardheere ayaa ah marin muhiim ah oo isku xira qaybo kamid ah degmooyinka gobolka gedo iyo qaar kamid ah gobolada dalka soomaaliya .

Maamulka degmada baardheere ayaa dhawaan soo bandhigayo qorshaha dacaytirka loogu samaynayo buundada degmada baardheere ayaa si hor dhac ah u sheegay in dacaytirka buunadada laga rabo in bulshada degmada kunool larabo in kaalin mug leh ay kaqaataan
Geesta kale maamulka degmada ayaa baaq u diray jaaliyada kunool qurbaha ee deeganka u dhashay in ay kaalin muhiim ah kaqaataan dib u dayactirka buundada.

Dhawaan ayaa uu maamulka shaacin doonaa habka uu u damacsanyahay in dacaytir loogu samayn doono buundada degmada baardheere iyo cid waliba oo deegaanka kazoo jeeda dawrka ay kuyeelan doonan dayactirka buundada.

Buunada ayaa hadii aysan si deg deg ah u helin dacaytir xoog leh ayaa waxaa imaan kara in magaalada ay u kala qaybsanto laba dhinac taa oo sababi karto in bulsho badan ay noloshooda halis gasho.

Maalin kasta kumanaan dadwayne iyo gaadiid ah iyo waliba xoolo nool ayaa isticmaala marista.
Khadar Maxamed siraad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.