Weerar miino ah oo lagu layay ciidamo keyan ah oo lagu qaday boodh-ijara

kenya

August 15 (Gedo times9)—Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada booliska Kenya ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay wateen ay kula qaraxday miino deegaanka Bodhai-Ijara oo ka tirsan Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee ay Soomaalidu degto.

Booliska Kenya ayaa sheegay in miinadaasi ay gaariga la eegteen maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab, kadibna ay gubeen gaariga markii dambe goobtana ay ka baxsadeen.

Askarta weerarka lagu qaaday ayaa ka tirsanaa kuwa saldhigga Bodhai ee deegaanka Ijaara.

Goob jogayaasha ayaa u sheegay wakaaladaha wararka iyo warbaahinta Kenya in askarta weerarka ku dhaawacantay ay ku dhuunteen keynta ilaa halkaa ay ugu tagaan ciidamo gurmad ah, waxaana markii dambe dhaawacooda loo duuliyay magaalada Nairobi.

Weerarkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay ururka Alshabaab ku qaadaan gobolka Waqoyi Bari Kenya tan iyo markii uu ku guuleystey markale doorashada Madaxtinimada dalka Kenya Uhuru Kenyatta

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.