Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ooxariga ka jaray Dugsiga 15 May

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed iyo qunsulka dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya ayaa waxey xariga jareen dib u howlgelinta Dugsiga Hoose, dhaxe iyo Sare ee 15-May.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa tilmaamay in Dugsiga Hoose, dhexe iyo Sare ee 15-May uu yahay mid si lacag la’aan ah wax loogu baran doono, isla markaana Degma kaste xuruma wax barasho oo lacag la’aan ah laga hir gelin doono.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab Maxamud Warsame sheegtay in iskuulkan uu ka midyahay iskuulaadka caanka ah, ayna ku dadaalayaan sidii markale dib loogu soo celin lahaa adeegyadii bulshada loogu sameyn jiray.

Qunsulka dowladda Masar u fadhiya Soomaliya Tamer Safwat Al-Mahdy waxa uu sheegay in bisha Sepmter ee sanadkan 2017 dib loo howl gelin doono iskuulka 15-May.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.