Gudoomiyaha Baarlamaanka hirshabeelle oo Maanta jowhar ku wajahan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Jowhar, maalin kaddib markii  Xildhibaanada Hirshabeelle ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.

Guddoomiyaha ayaa dhowana safar ku tagay dalka Kenya, hase ahaatee maalmo ka hor ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka socda Jowhar, iyadoo marka uu tago lagu wado inuu ka hadlo arrinta xil ka qaadista.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo la dhigay xarumaha maamulka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.