Dabley Hubeysan oo goor dhow Muqdisho ku dilay illaa saddex ruux

deg

Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa rasaas ku furay gaari kale oo ay saarnaayeen dad, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxay weerarkan.

Weerarka ayaa ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan, iyadoo dableyda dilka geysatay ay ku baxsadeen gaadiidkii ay wateen.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga la rasaaseeyay ay saarnaayeen dad isku qoys ah, waxaana ku dhimatay saddex ruux, halka afar kalena ku dhaawacmeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka saarnaa gaariga la rasaaseeyay ay ka mid ahaayeen qoyska Ganacsade caan ah.

Ciidamada ammaanka ayaa baadigoobaya dableydii gaariga wadatay, waxaana la sheegayaa in gaarigan oo ahaa nooca Toyota Spacia, horay loogu geystay falal amni daro.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, sidoo kale lama oga ujeedka loo bartilmaameedsaday gaariga ay saarnaayeen dad isku qoys ahaa.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.