dhageyso:Madaxwaynihii Hirshabeele Cosoble ooo xilka laga qaaday

Baarlamanka Dowladda goboleedka Hir-shabeelle ayaa galabta kalsoonidii waxa ay kala laabteen Madaxweynihii Maamulkaas Cali Cabdulaahi Cosoble, Cod ay u qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle Madaxweynaha Hirshabeele Osoble ayaa la sheegay in 68 xildhibaan ay u codeeyeen halka ay afar xildhibaan ka soo horjeesteen.

Shalay 12 Wasiir oo isugu jiray Wasiir, Wasiiru dowle iyo Wasiir kuxigeeno ayaa shalay ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkooda, kaddib markii ay ku eedeeyeen Madaxweyne Cosoble waxqabad la’aan iyo dib u dhac uu ku wado maamulka.

Xildhibaanada Hirshabeele ayaa si kumeel gaara ah waxa ay siihayaha xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle ugu doorteen Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.