C/Rixmaan Faroole oo iska casilay Xubinimadii Guddiga Dibu eegista Dastuurka Soomaaliya

farole

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole madaxweynihii hore ee Maamulka puntland oo kamid ahaa xubnaha guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal Soomaaliya ayaa ku maanta dhawaaqay in uu iska casilay xiligii uu ka hayay guddiga, waxaana uu sheegay in uu sababo u gaar ah uu iskaga casiley.

Kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Aqalka sare ayaa laga akhriyay warqad uu soo gudbiyay C/raxmaan Faroole, kaasoo uu ku codsanayo in laga aqbalo inuu iska casilay xubinimada Guddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.