Maqal iyo Muuqaal+ Masawiro:Munaasabad lagu furayay sanad dugsiyeedka Schoolka Saaluxudiin ayaa lagu qabtay magaalada Caabudwaaq

arday

Munaasabad lagu furayay sanad dugsiyeedka Schoolka #Saaluxudiin ayaa lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud, Munaasabadaan lagu furayay sanad dugsiyeedka 2017-2018 ee Schoolka Hoose dhexe iyo sare ee Saaluxudiin ayaa sidoo kale abaarmarino lagu gudoonsiinayay ardeydii kaalamaha hore kagashey imtixaankii laqaadey.

Maamulaha Schoolka hoose dhexe iyo sare ee Saaluxudiin Cabdiqadar Daahir Qalinle ayaa ka sheekeeyay hormarka dhanka waxbarashada ah ee Schoolku ku talaabsadey isagoona sheegay in nasiib ay u yeesheen sanadkaan ardey fasalka afaraad ee dugsiga sare ay kamid noqon doonaan ardeyda u fariisan doonta Imtixaanka Dugsiyada sare ee heer qaran.



Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.